AMISOM Iyo Wasaaradda Duulista Hawada Oo Qoorta Iskula Jira Iyo Xaaladda Oo Sababi Karta In AMISOM Ay Baxaan

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa dhawaan sheegay in Airport-ka magaalada Muqdisho uu shaqeyn doono xilli walba, Habeen iyo maalinba.

Balse ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ayaa is hor istaag kusameysay qorshaha cusub ee wasaaraddaas, waxaana dhacday xitaa in dagaal lagu sigto in uu ka dhaco halkaas.

Khamiistii ayeey ahayd markii ay ciidanka AMISOM, soo dhigeen dhagxaan iyo waxyaabo adag oo muujinayay in albaabka garoonka Aadan Cadde uu xiran yahay, marka ay saacaddo gaarto 05:00 Galabnimo sidii caadada ahayd, taas oo ay dood ka keeneen shaqaalihii qaatay amarkii wasiirka ee qorshahooda ku darsaday shaqada habeenkii ee Airport-ka.

Waan waan ayeey isku dayeen saraakiishii Soomaalida ahayd, balse AMISOM ayaa diidday arrinkaas, taas oo keentay in saraakiisha ay qaadaan talaabo xoog iyo maquunin u eg, waxaana ay soo qaateen cagaf cagafyo waa wayn si ay iska hor leexiyaan dhagaxyadaas waa wayn ee ay AMISOM soo dhigeen, ugu dambeyn markii ay Soomaalida sidaas sameeyeen, ciidanka nabad sugidda ayaa sidoo kale iska caabbin sameeyay, oo durba goobtii ku jaray gaari Beebbe ah oo ay wateen.

isla xilligaas ayaa saraakiil ka kala socotay AMISOM iyo dawladda shir loo fadhiistay, balse AMISOM ayaa ku adkeeysatay go’aankooda, taas oo keentay in qir iyo qir la kala istaago.

Amaan ahaan uma wanaagsana in ay dad wayne isticmaalaan Aiport-ka, maadaama xilliyada qaar ay diyaarado Militeri ay kusoo dagaan garoonka, taas oo liddi ku ah amaanka iyo nabadda garoonka.

AMISOM ayaa go’aansatay in aan la wayddiin doonin wax walba oo amaanka garoonka ku saabsan mar haddii la dhaafo xilligii caadiga ahaa ee 05:00 galabnimo.

Khilaafka ayaa weli taagan, xilli wasaaradda duuliska hawada ay ku adkeysaneyso iyana go’aankeedii ahaa in garoonka uu shaqeeyo xilli walba, maadaam lagu xiray nalalka dhabbaha diyaaradda ay ku cararto.

Ugu dambeyn AMISOM ayaa go’aan ku qaadatay in aannay sugi doonin Amaanka garoonka ayna ka bixi doonaan sida warar hoose ay sheegayaan haddii lagu cadaadiyo arrintan.