War Deg Deg ah:- Guddoomiyihii Gobolka galgaduud oo Caawa Muqdisho lagu dilay

Koox Hubeeysan ayaa Xaawa Xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid ku dishay Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii Gobolka galgaduud ee Maamul Goboleedka Galmudug MarxuunMaxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi.

Goobjoogeyaal ayaa Warbaahinta  u sheegay in Guddoomiyaha Gobolka galgaduud iyo Wiil la dhashay oo ay Gaari wada saarnaayeen Rasaas la huwiyay islamarkaana ay Rasaastaasi ku dhinteen Labaduba.

Guddoomiyaha Gobolka galgaduud Maxamed Daahir Sheelh Cali ayaa Mudooyinkaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho,waxaana Marxuunka Dilkiisa ka Tacsiyeeyay Madax uu ka mid yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.