War Deg Deg ah: Ciidamada AMISOM oo iskaga baxay Degaanka Muhiim ah

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saakay Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ay iskaga baxeen Degaankaasi.

Goobjoogeyal ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM Saakay Waabarigii ay Faarujiyeen Degaanka Leego oo Fariisin ay ku lahaayeen,waxaana aan la ogeyn Sababta ay uga baxeen.

Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa Fariisin kulahaa mudooyinkii dambe,waxaana Sanadkii 2015 Al-shabaab ay Weerar Culus oo ay ku soo qaadeen Ciidamada Burundi oo Xilligaas ku sugnaa ay ku dileen in ka badan Toban Asklari.