Wadooyinkii aay xireen Farmaajo iyo Khayre oo dib loo furaayo Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa Shirkii Golaha Wasiirada ka hor jeediyay Warbixin ku saabsaneyd guud ahaan ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada ka hor sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagayo ciidamaduna ay wadaan howlgalo joogto ah.

Waxa uu sidoo kale Xubnaha Golaha Wasiirada ka hor cadeeyay in qorshaha sugidda amniga dalka mar dhaw loo gudbin doono gobolada kale ee dalka.

C/raxmaan Cumar Cismaan  ( Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal dib loogu furayo Wadooyinka xeran ee Muqdisho, maadaama sida uu sheegay ammaanka uu soo hagaagay.

Eng. Yariisow Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’addaha amaanka ay wada shaqeyn dhow ka dhaxeyso.

“Arrimaha amniga Wasiirka Amniga wuxuu ka warbixiyay xasilinta caasimadda iyo dalka howlgalada ka socda, aad ayaana loo soo dhaweeyay kaalinta shacabka ay ka qaateen amniga, waxaa hada ku xiga oo laga howlgali doonaa Shabeelooyinka, sidoo kale waxaa qorsheysan in la furo wadooyinkii loo xiray sugida amniga dartiis ee Muqdisho”. Ayuu yiri Wasiir Yariisow.