Waa Tuma Beesha Xiriirka U Jartay Maamulka Hirshabeelle? (Xog Muhiim)

Madal ay si wada jir ah kaga soo muuqdeen shakhsiyaad ay kamid yihiin Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Xildhibaan Khalif Cabdi Cumar, Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene, Xildhibaan Faadumo Faarax Ibrahim(Qamar) ayaa lagu caddeeyay in beesha Baadi Cadde ay xiriirka u jareen maamulka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiintan ayaa ka cawanaya caddaalad darro iyo mas’uuliyad xum ay kala kulmeen maamulkaas, waxaana ay sheegeen in aysan wax calaaqaad ah la sameyn doonin beeshaas dhammaan maamulka Hirshabeelle,

Beesha Baadi Cadde ayaa kamid ah beellaha dega deegaannada maamulka Hirshabeelle, sidoo kale waxa ay ku leeyihiin xasaannad iyo awood, balse go’aanka madaxda beeshaas kaga jirta dawladda waxa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan muran iyo dagaal beeleed uu ka jiray halkaas.

Weli wax war ah kama soo bixin dhanka Hirshabeelle oo ku aaddan go’aanka ay gaareen odayaasha beesh Baadi Cadde, ee daga maamulka Hirshabeelle.