Waa Kuma Qofka Lala Damacsanaa Qaraxii Ka Dhacay Waddada Makka AlMularramah?

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa isku qarxiyay agagaarka Isbitaalka Daaru Shifa ee magaalada MUqdisho, gaariga isqarxiyay ayaa la dhigay waddada dhinaciisa, waxaanan weli la caddeyn meesha saxda ah ee lala eegtay, inkastoo Isbitaalka uu u dhawaa.

Dadka qaar ayaa sheegaya in gaariga goobta la dhigay lala sugayay mid kamid ah mas’uuliyiinta dawladda oo halkaas marayay, inkastoo aan magaciisa la shaacin haddana waa rarar aan la hubin, oo magaalada la isla dhex marayo.

Si kastaba ha ahaatee qaraxan wuxuuu kusoo aadayaa xilli afar maalin uun ay kasoo wareegatay qarax qasaaro geystay oo ka dhacay isla waddadaas.