Waa Halkee Goobta Rasmiga Ah Ee Uu Ka Dhacay Qaraxa?

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhacay wejiga hore ee Isbitaalka Daaru Shifa ee waddada Makka Almukaramah.

Wararka waxa ay intaas ku darayaan in gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay la dhigay goobta baakinga ee Isbitaalkaas, kaddibna uu qarxay.

Khasaaraha weli lama caddeyn oo weli baaritaanka waa uu socdaa, hasa yeeshee waxaa hubanti ah in qaraxa uu geystay khasaaro Nafeed iyo mid kalaba.