Taageerayaasha Farmaajo Oo Helay Qorshe Cusub Oo Ay Ku Fadeexeen Karaan Fanaan Ilkacase? (Wax Aadan Filayn)

Waxa aan la soconay dhawaannahan in khilaaf uu dhex maray Fanaanka caanka ah ee ilkacase iyo Madaxda DFSomaalia, taas oo keentay in uu qaado hees la magac baxday “Igu Sawir|” oo magaalada oo idil gashay.

Sidoo kale xalay ilaa maanta ayeey ahayd markii baraha bulshada ay qabsatay hees kale oo uu ku luuqeeyo fanaan Ilkacase taas oo lagu amaanayo madax wayne Farmaajo, islamarkaana la qaaday xilligii doorashada kaddib.

Si ay u muujiyaan in Fanaan Ilkacase uu yahay laba wajiile ayeey taageerayaasha Farmaajo baraha bulshada ay ku kulmaan ku wareejinayeen heestiisaan Shan Bilood kahor markii la doortay Farmaajo uu u qaaday.

Waxaa hubanti ah in weli Ilkacase uu dagaal kula jiro dawladda, hasa yeeshee tageerayaasha Farmaajo ayaa u isticmaalayay muuqaalka heestaas baraha bulshada si ay ugu muujiyaan in uu Ilkacase laba wajiile yahay.

Si kastaba ha ahaatee Nala daawada heesta ilkacase  ee uu Farmaajo ku amaan islahaa.