Magaalada Kismaayo oo la sgeegay in Nin Iyo Naag Isku Dhageen Iyo Dadka Deegaanka Oo Aad U Argagaxay!

Magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya, maanta oo idil waxaa la isla marayay warar been ah oo quraafaad ah, kaas oo ahaa in nin iyo naag si xaaraan ah iskugu galmooday ay isku dhageen.

Wararka la isla dhex marayay waxaa kamid ah in Isbitaalka wayn ee magaalada la dhigay labada qof ee isku dhagay.

Balse sida cad waa quraafaad iyo warar buun buunis ah, oo la isla dhex marayay magaalada, waana been sida ay dadka goobjoogayaal ay sheegayaan.

Horay ayeey u jiri jirtay quraafaad iyo sheekooyin layaableh oo kuwaas sidan oo kale ah, dadka deegaanka lagu cabsi geliyo, loogana digo xumaanta sidaas oo kale.