Isbaaroyinkaan oo lacago fara badan looga qaado Gaadiidka isticmaala wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa la soo dhigay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Deegaanka Ceelmacaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa la sheegay in rag ku labisan dareska Ciidamada Dowladda Soomaliya ay halkaasi soo dhigteen Isbaaroyin ay Gaadiidka lacag uga qaatan, gaar ahan kuwa qaada Kaawada Guryaha lagu dhiso ee wadadaas Isticmaala.
Mid ka mid ah Gaadiidleyda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 5 Isbaaro ay taalo wadada isku xirta Galgalato iyo Ceelmacaan .
Waxaana uu sheegay in ay bilaabeen shaqo joojin ka dhan ah dhibaatoyinkaasi, waxaan uu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka in ay wax ka qabtaan dhibtayinkaasi loo geysanayo dadka shacabka ah.
Gaadiidleyda ka howlgasha inta u dhexeysa Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dhibaatooyin xoogan kala kulma Jid gooyooyin ceegaaga Wadadaas oo lacago Sharci darro ah looga qaato.