FAAFAAHINO:- Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar cusub ayaa kasooo kordhaya weerarka qarax ee fiidnimadan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegayaan wararka hadda ina soo gaaraya in qaraxaas khasaarihiisa uu aad u yar yahay.

Mid kamid ah Goobjoogayaashii kasoo badbaaday halkaas ayaa u sheegay Shaaciye.com in uu indhihiisa ku arkay dhaawaca wiil yar oo bajaajle ah kaas oo kusoo dhaawacmay qaraxaas.

Inta lawada ogyahay waxaa la xaqiijiyay dhimashada qaar kamid ah dadkii halkaas kusugnaa, waxaana wararka ay marba marka kadambeysa isa soo taraya wararka kasoo baxaya.

“Waxa aan kusugnaa meel u dhaw goobta uu qaraxa ka dhacay, waxa aan arkay dhaaca wiil bajaajle ah oo halkaas kusoo waxyeeloobay, kaddib, ma aqaano wixii xigay oo cagahayga ayaan ciirsaday,” ayuu Cabdishakuur Maxamed Ibraahim u sheegay Hillinka wararka ee Shaaciye

Si lamid ah dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa haddii uu illaahay idmo wararka kasoo cusboonaada.