DEG DEG: Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo goor dhow is casilay

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa 30-kii July ee sanadkan waxa uu isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, wuxuuna magacaabay Wasiiro ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir Kuxigeen iyo 5 Wasiiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 53 Wasiir.

Wasiirada la magacaabay waxaa ku jiray Eng. Saalah Sheekh Cusmaan oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale Dowladdii Xasan Sheekh soo qabtay xilkan.

Siyaasiyiinta iyo dadka falaqeeya siyaasada ayaa aad u hadal hayay xilkan markii loo magacaabay Eng. Saalax, taasi oo ay ku micneeyeen in aysan habooneyn isaga oo Wasiir ka soo noqday Dowladda Soomaaliya, in uu soo laabto Wasiir Dowlad Goboleed.

Shan berri kadib waxaa arrintaai ka hadlay Eng. Saalax Sheekh Cusmaan ee loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna iska diiday xilkan loo magacaabay, kadib qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Facebooka.

Eng. Saalax ayaa sheegay isaga oo dalka ka maqan in loo magacaabay xilkan, howlo shaqo oo lagu hormarinayo dalkana u jooga magaalada Turin ee dalka Talyaaniga.

Wuxuu sheegay in uu u mahadcelinayo dadkii ku sharfay isaga oo maqan in ay xilkan u magacaabaan, wuxuuna tilmaamay markii uu qiimeeyay marxalada la joogo in uusan qaban karin xilkan.

Qoraalka Eng. Saalax halka Hoose ka Akhriso:-

War Saxaafadeed :In anaan qaban Xilkaas
________________
Isbadal ayaa dhawaan lagu sameeyay Golihii Wasiirada Dawlad Goboleedka K/Galbeed, wajiyada cusub ee
Maamulkaasi lagu soo kordhiyay ayaa magaceyga ka dhex arkay, anigu xilligaan Wadanka waa ka maqan ahay,
hawlo Qaran ayaa u joogaa Dalka dibadiisa, dadaal waxtar leh oo Soomaaliya lagu hormarinaayo ayaa ku hawlan
ahay.
Mabda’ ahaan waxaa iga go’an inaan mar walba u adeego ummadda Soomaaliyeed, wey mahadsan tahay ciddii
aniga oo maqan xilkaasi igu sharaftay, marka aan qiimeeyay marxalada la joogo waxaa ii soo baxday inaan qaban
xilka laygu magacaabay ee ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka
K/Galbeed sabbabo jira awgood.
Anigoo jecel Qaranimada, Wadajirka iyo Horumarka bulshada Soomaaliyeed ayaa guud ahaan shacbigayga waxan
u rajaynayaa Nabad, Guul iyo Barwaaqo.
Mahadsanidiin