DEG DEG: Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Waddada Makka Al Mukarramah

wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay sheegayaan in uu hadda qarax daryankiisa magaalada oo idil laga maqlay uu ka dhacay agagaarka hotel Ambasaddor ee waddada Makka Almukarah.

Qasaaraha lama shaacin, sidoo kale goobta rasmiga ah ee la weerarayna weli lama oggaan, hase yeeshee dad goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli afar maalin kahor isla waddadaas uu qarax nuucan oo kale uu ka dhacay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa haddii uu rabbi yiraahdo.