DEG DEG:- Nabaddoon Caan Ah Oo Muqdisho Lagu Dilay

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa caawa kaddib salaaddii Cisho toogtay nabaddoon Geeddi Fardhiye oo kamid ahaa nabaddoonnada Soomaaliyeed.

Isagoo usii jeeda Masaajidka xaafadda uu ka dagnaa degmada Dharkiiney, ayeey kooxo hubeysan oo bastoolado wato xabbado ku qarqiyeen, ilaa uu ka geeriyoodo.

Durba goobta ayeey ka baxsadeen kooxihii dil geystay, waxaana ay dadka deegaanka sheegeen in ay ahaayeen dhallinyaro Nabaddoonka wakhti dheer daba socotay.

Maydka Nabaddoonka ayaa gurigiisa loo qaaday, kaddib markii la xaqiijiyay in uu geeriyooday, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda dilka Nabaddoonka, hasa yeeshee Alshabaab ayaa caan ku ahayd beegsashada nabaddoonada iyo odayaal dhaqameedkii soo xulay xildhibaannada Qaranka,