Ciidamada Dowladda ee degmada Jalalaqsi oo fashiliyay Qaraxyo Miinooyin halis ah

Faarax Aadan Gaafow Taliyaha Saldhigga Ciidanka Booliska Dowladda ee degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in ay fashiliyeen laba Qarax oo lagu aasay degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Labada Qarax ayaa mid ka mid ah waxaa lagu aasay barkontorool oo Ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada Jalalaqsi, halka midka kalena lagu aasay gudaha magaalada.

Faarax Aadan Gaafow Taliyaha Saldhigga degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in la helay xogta arrintan in ay ku suurta gashay wada shaqeyn dhab ah oo dhexmartay Ciidamada iyo shacabka.

“Waa laga war helay labada Qarax, mid ka mid ah waala Qarxiyay halka mid kalena la soo bixiyay, cidna wax kuma gaarin, xogta arrintan in la helo waxaa sahashay wada shaqeyn dhexmartay Ciidamada iyo shacabka”. Ayuu yiri Taliye Faarax Aadan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo iyo baaritaano waxa ay ka sameeyeen goobaha lagu aasay Qaraxyada, inkastoo weli aanan la sheegin cid loo soo qabtay falkan.