AKHRISO:- Khasaaraha Maaliyadeed Iyo Midda Nafeed Ee Uu Geystay Qaraxii Waddada Makka Al Mukarramah

Saddex kamid ah shaqaallaha Isbitaalka caanka ah ee Daaru Shifah ayaa ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay agagaarka isbitaalkaas.

Sidoo kale afar qof oo shacabka ah ayaa ku waxyeeloobay qaraxaas sida dad goobjoogayaal kale oo cusub ay sheegayaan.

Gaadiidka gurmadka deg degga ah ee AMbalaasta ayaa qaaday dhawr qofood oo ku waxyeeloobay qaraxaas, sidoo kale Farmashiyihii waynaa ee isbitaalka oo ku yaalla illinka hore ayaa gebi ahaanba burburay, sida ay wararku sheegayaan.

Weli majirto cid rasmi ah oo sheegatay qaraxaas iyo ujeeddka lala damacsanaa, hasa yeeshee dib ayaan idinkala soo gudbin doonaa wax kasta oo kusoo kordha qaraxaas.