Mandheera: Sarkaal Boolis ah oo la dilay iyo Gaadid la gubay

Saraakiisha amaanka Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegaya in saaka aroortii weerar lagu qaaday Saldhig Boolis oo Ciidamada Amaanka ku lahaayeen degaanka Lafeey oo hoostagta degmada Mandheera.

Weerarkaas waxaa ku dhintay Sarkaal ka mid ahaa saraakiisha Booliska,waxaa dab la qabadsiiyay labo ka mid ah Gaadiidkii ay adeegsanayeen Booliska iyada oo mid kalena la qaatay.

Saraakiil u hadashay Ciidanka Kenya ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku tuhmayaan Al-shabaab,kuwaas oo xilliga weerarka ay tiradoodu ku sheegeen 50 Qof oo dagaallamayaal ah.

Ciidanku waxaa ay intaas ku dareen in Gaari kale oo kuwa Booliska ah ay qaateen kooxda weerartay saldhigga Booliska Lafey ulana baxsadeen dhanka Xadka Soomaaliya.

Saraakiishu waxaa ay intaas ku dareen in 12 Askari ay joogeen Saldhigga Booliska ay intooda badan ka baxsadeen,halka mid ka mid ah saraakiishii Booliska uu ku dhintay goobtaas.

Shalay ayey ahayd markii weerar lagu qaaday Gaaro Toyota ah oo marayay degaan hoostaga Lamu lagu dilay saddex Qof oo la socday Gaariga la weeraray.