Halkee Buu Ku Dambeeya Taliyihii Ciidanka Taraafikada Mudane Cali Gaab? (Meel Aadan Qof Madax Ah Ka Filayn)

Dhawaan ayeey ahayd markii xilka laga qaaday taliyihii Ciidanka ilaalada waddooyinka Cali Gaab, kaas oo wax badan aqoon u lahaa ilaalada waddooyinka.

Haddaba su’aasha iswayddiinta mudan ayaa ah halkee buu ku dambeeyaa taliye Cali Gaab?, dad badan ayaa aaminsan in Cali uu weli day dayayo xil cusub iyo shaqa kale oo dawladda uun lug ku leh.

Cali Gaab ayaa had iyo goor markii hore ee uu hayay xilka waxa uu ahaa qof waddooyinka aan laga wayn, balse tan iyo xilka qaadistiisa, Cali Gaab waxaa uu ka bixi la’yahay baraha bulshada, gaar ahaan Mareegaha IMO.

Haddii aad Habeen soo kacdo waad ku arkeysaa baraha bulshada, sidoo kale maalinkiina waad ku arkeysaa, keliya shaqada ugu wayn ee uu qabto waa in uu Update-gareeyo cinwaannadiisa uu ku leeyahay Facebook-ga, Twitter, iyo Viber xitaa IMO.