DEG DEG:- Neymar Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda PSG (Xog Dhammeystiran)

Kooxda Paris Saint German ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiggii BArcelona Neymar Jr, kaas oo adduun lacageed gaaraysa 222M.

Waa rikoorka adduunka xiddiggii ugu qaalisanaa ee abbid suuqa kala iibsiga lagu kala qaato, wuxuuna rikoorkaas ka jebiyay Paul Pogba oo Manchester United kaga yimid xilligii hore kooxda Juventus.

Dhawaan ayuu macsalaameeyay taageerayaasha iyo xiddigaha kooxda, wuxuuna doortay in uu ka tago kooxdii wakhtiga wanaagsan kusoo qaatay.

DHawaan ayaa lasoo bandhigi doonaa Neymar, dib ayaan se idin kala soo socodsiin doonaa wixii kusoo kordha.