Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta Go’aan ka gaaraya Wasiir Xoosh

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Maanta ka doodaya sidoo kalena go’aan ka gaaraya Arrinta la xiriirta Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaasoo muran ka dhex galay Baarlamaanka dhexdiisa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka qaarkood ayaa Warbaahinta u sheegay in kulanka uu jiro Maanta isla markaana laga hadlayo arrinta Wasirka go’aana ay ka gaarayaan Xildhibaanada.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa la filayay inay go’aan ka gaaraan Arrinta Wasiirka Dastuurka, balse kulan ay yeesheen shalay ayay ku sheegeen in dooda iyo go’aan ka gaarista iney hor dhigeen kulanka Guud ee Xildhibaanada Golaha shacabka ay Maanta ku yelanaya Muqdisho.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiir Xoosh uu ka cudur daartay u yeeristii Xildhibaanada Golaha Shacabka, xilli Xildhibaanada ay sugayeen, waxaana taas ka dhashay muran Xildhibaanada ku kala qeybsameen go’aanka laga gaarayo, iyadoo codsi fasax ah oo uu soo gudbiyay Guddoonka oo ahaa inuu hor imaanayo golaha Shacabka11 bishaan Agoosto, waxaana Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo maadaama sida ay sheegeen uu ka dhaga adeega u yeerista golaha.

Ujeedada ugu wayn ee Wasiir Xoosh Jabriil loogu yeeraayo ayaa la xiriirta in todobaadkaan gudihiisa uu ka hor yimid go’aankii Baarlamaanka Somaliya ay ku laaleen go’aankii ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xiriirtay dib ugu laabashada doorashada sideed Kursi oo ka tirsan Aqalka Golaha Shacabka.

Wasiir Xoosh ayaa Bogga Twitterka uu ku leeyahay ku soo qoray hadal kooban oo uu ku sheegay in sharcidaro tahay Baarlamaanka inay ka soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka.

Wasiir Xoosh Jibriil ayaa xilligan ka maqan dalka, waxa uu ku maqan yahay sida guddoonka uu sheegay safar caafimaad oo uu u aaday dalka dibaddiisa.