Waa Maxay Farqiga U Dhaxeeya Farmaajo Iyo Kheyrre? (Isbar-Bardhig)

Dad badan ayaa iswayddiinaya waa maxay farqiga u dhaxeeya Farmaajo iyo Kheyrre?, waa dhabtii waa su’aal wanaagsan oo mudan in la is wayddiiyo, maxaa yeelay, labaduba waxa ay leeyihiin taageerayaal midkii wax sameeyaa kan kalana qoorta u sura.

Haddii aan si taxaddar leh, u kala saarno Farmaajo iyo Kheyrre waxa aan dhihi karnaa, Kheyrre ayaa ah qofka shaqeynaya, oo doonaya in uu madaxwayne noqdo, halka Farmaajo uu ka faa’iideysanayo Kheyrre si uu wax badan ugu qabto inta uu xilka hayo.

Kheyrre oo ka faa’iideysanaya fursaddan ayaa doonaya in uu noqdo qof u qalma in uu madaxwayne noqdo, maadaama shacab badan ay u gacmo lulayaan.

Dhanka kale Farmaajo ayaan diyaar u ahayn sida muuqata uu wakhti kale ku darsado haddii aysan wax isbaddalin sannadka ugu dambeya ee xukunkiisa, taasna waxa ay ka caawineysaa Kheyrre in uu noqdo qof shaqadiisa u caabboon, maadaama reerkiisa aysan weligood Madaxwayne, iska dhaaf ee noqon ra’iisul wasaare.