“Tacsiyada Cayddiid Iyo Tahniyadda Puntland Maxaa Isku Soo Aaddiyay” Sheeko Qosol Badan

Shalay waxa ay ahayd maalintii Puntland la yagleelay, dhanka kale waxaa socday tacsiyo iyo dib u milicsi noloshii Cayddiid maadaama uu geeriyooday maalintaas oo kale.

Qaar kamid ah dadka ugu caansan Puntland ayaa baraha bulshada soo dhigayay qoraallo ay kaga soo horjeedaan in lala qaybsado maalintaas iyaga u wayn, barbarkana lala wado tacsiyo iyo murugo.

Dhawr qof oo kamid ah dadka arrintaas dhalliilay ayaa soo qoray in laba mid uun la sameeyo, In Puntland hadda kaddib ay dabaal dagto 2-August, ama Cayddiid tacsiyadiisa dib loo dhigo, maadaama aysan isla socon karin tacsiyad iyo tahniyad.

“Haddii uu illaahay Ballaayo kula rabo, Habar Gidir buu ku daba dhigaa, oo kaalay, Tacsi uun bay wadaane, ma dabaal daggeey naga qasi rabaan,!!” ayuu soo qoray mid kamid ah dadka ugu caansan Puntland.

Tani ayaa ah sheeko cajiib ah, waxaana ay inta badan ahayd kaftankii suuqa iyo kulanka baraha bulshada, ama Social Media waxa loo yaqaano.