Senator Ilyaas Cali Xasan Dastuurka kuma Qorno Xaquuq uu yeelanayo Madaxweynahii Hore Iyo Midka hada Haduu Xilka ka dego?

Maamuuska Madaxweyniyaashii Hore!

July 13keedi 2017 Shirkii Golaha wasiirada ee Kismayo lagu qabtey, waxaa lagu ansixyey Xuquuqda mid kamid ah Madaxweyniyaashii Dalka soo marey, Inkastoo aan qaraarkaasi weli si rasmi ah loo horkeenin 2da Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare midkoodna Nuqulka sharcigaas, oo ubaahnaan doona ansixin Baarlamaan iyo Saxiixa Madaxweyne Mohamed Abdulahi Farmaajo, ayaa hadana waxaa lagu sheegey war saxaafadeedka iyo qoraalo ay soo geliyeen barahooda qaar kamid ah wasiirada in uu u ogolaanaayo Madaxweynihii talada ka degey 8da February, Dastuurka Qodobkiisa 64aad taasoo ah arin aan sal iyo raad toona kulaheyn Dastuurka sida ku cad qodobkaasi kumana qorno Xuquuq uu yeelanaayo Madaxweyne hore iyo mid danbe toona.

Run ahaantii wey kumahadsanyihiin RW iyo Wasiiradiisu talaaabadaasi ay qaadeen, waxayna mudanyahiin in la bogaadiyo in dadkii talada dalka iyaga kaga horeeyey laga warqabo xaalkooda lana daryeelo noloshoodaba.

Hadana, dalkeenu intii Burburka dhacay waxaa soo marey Madaxweyniyaal kala duwan oo lagu soo doortey duruufo kala duwan, Kuwaas oo midba meel soo gaarsiiyey Marxaladihii Dalkeena, dhamaantoodna waxay mudanyihiin Karaamo iyo in loo Cadaalad Sameeyo laga soo bilaabo Madaxweyne Abdulqasim Salaad, Abdulahi Yusuf, Sheikh Sharif, iyo Hassan Sheikh oo ah Madaxweynaha keli ah oo ay Wasiiradu u ansixyeen Xuquuqda asaga iyo qoyskiisa, sida lagu sheegey warsaxaafadeedka Golaha Wasiirada, kuna cad miisaaniyada hada hortaala Golaha Baarlamaanka.

Hadaba maadaama aan cadeyn sida laga yeelaayo Madaxdii hore iyo Kuwa danbe ee soo socda, sharciga waxa uu u ogolaanaay, Waxaan soo jeedinaayaa in arintaasi dib loogu noqdo oo qaladaadka kujirana lasoo saxo, lana cadeeyo sharciyada iyo dhaqaalaha ku baxaayo inta uu la egyahay.

Mahadsanidiin.
Senator Ilyas Ali Hassan