Muwaadiniin Soomaliyeed oo Nolosha Lagu Gubay Dalka Koonfur Afrika!

Dowladda Koonnfur Afrika, ayaa lagu eedeeyey inay xil iska saarin sugidda ammaanka Soomaalida ku nool dalkeeda, kadib markii 48-kii Saac ee ugu dambaysay la dilay Saddex Muwaadiniin Soomaaliyeed ah, oo qaarkood nolosha lagu gubay, qaar kalana la dhaawacay.

Kadib dilkii ugu dambeeyey ee habeen hore dalka South Africa, gaar ahaana deegaanka Visentgral ee Cape Town loogu gaystay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray ALLAHA u naxariistee C/laahi Wiif Iyo sidoo kale Cali Maxamed Cali (Cali Duluf) iyo C/laahi Cali Ciimow oo iyagana habeen madow dab lagu qabadsiiyey goobtooda ganacsiga ee Gobalka Limpapo.

Dhanka  kale, ilaa Saddex Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay, weerar ay Kooxo Gaangiistaro ah ku qaadeen dukaamo ku yaalla Xaafadda Elseis River ee Cape Town, halka kooxahaasi South African-ka ah iyagana laga dilay hal nin qaar kalana laga dhaawacay.

Dadka soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika oo ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay  ee Soomaliuda lagu dilay ayaa dowladda dalkaas ku eedeeyay in aysan xil iska saarin sugida amniga Soomalida dalkaas ku nool.

Ma jiro wax hadal ah oo ay dhibaatooyinkan soo cusboonaaday ka soo saartay Safaaradda Somalia ee dalkani Koonfur Afrika.