Maxaa Isha Uga Dhacay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil? (Sir Iyo Sheeko Culus)

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa saakay hor tagay golaha Shacabka aqalka Baarlamaanka isagoo ishu ay u duuban tahay, xilli xiisad culus ay kala dhexeyso golaha baarlamaanka.

Wuxuu u muuqday qof ka leexanaya ama ka dhuumanaya culeyska Baarlamaanka maadaama dhawaan kursigiisa qalqiil la geliyay.

Si kastaba ha ahaatee Xoosh Jabriil ayaa sheegay in uu xanuunsan yahay, sidoo kale wuxuu ka cudur daartay in uu hadda wax sharxi karo, taas oo loo arkay in uu ka dhuumanayay culeyska Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa dhawaan u yeeray wasiir Xoosh Jabriil si ay wax kaga wayddiiyaan arrimaha dastuurka iyo halka uu hadda marayo, sidaa darteeda ugu dambeyn waa ay iskeeni waayeen, oo xaajada xilka ayeey isku sharreertay markii uu Xoosh bartiisa Facebook-ga uu xildhibaannada ku sheegay in ay yihiin Tuugo, taas oo xitaa muran badan ka dhex dhalisay Baarlamaanka gudahiisa.