Ma Dhabbaa In Faysal Cali Waraabe Uu Beero Ku Leeyahay Magaalada Balcad Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe? (Xog Muhiim Ah)

Guddoomiyaha xisbiga UCID Soomaaliland Feysal Cali Waraabe oo kamid ah shakhsiyaadka ugu caansan maamulka Soomaaliland ayeey dad ku dhaw sheegaan in uu yahay qof ganacsi iyo dhulal kala duwan ku leh Koonfurta Soomaaliya.

Magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe Soomaaliya, waa goob beerashada ku wanaagsan, saaxiibbo dhaw  oo Feysal Cali Waraabe ay isyaqaanaan ayaa caddeeyay in Feysal uu beero kulahaa Balcad, uusan se hadda hubin in uu weli leeyahay in iyo kale.

Waxa ay Ahayd xilli hore, marka aan isbarraneynay Feysal, wuxuu lahaa ganacsiyo kala duwan, iyo beero, Balcad ayaan isku raaci jirnay xilligaas, oo halkaas wuxuu ku lahaa dhawr beer oo waa wayn, hadda wakhtigu wuu isbaddalay, oo ma caddeyn karo, laakiin xilligaas waxa ay ahayd wax la hubo” ayuu igu yiri mid kamid ah saaxiibbadii dhawaa ee Faysal Cali Waraabe.

Musharraxa xisbiga UCID ee Soomaaliland mudane Waraabe ayaan lugta soo saarin 25-sano iyo kabadan ciidda Koonfurta Soomaaliya, taas oo sidoo kale caddeyn u ah in uusan daneeneyn hadda iyo wakhti soo socdaba in uu yimaado Koonfurta Soomaaliya, maadaama uu qaatay aragtidii ahayd qaddiyadda Soomaaliland.