Kulankii Golaha shacabka ee maanta oo baaqday

Ajendaha kulanka ayaa maanta ahaa waxa laga yeelayo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/Raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ay rabeen in ay ka doodaan.

Xildhibaannada ayaa ka doodi lahaa qaabka ay go’aan uga gaarayaan xilka wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu faraha la galay arrimaha xeer dejinta.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa maanta waxaa soo xaadiray ku dhawaad 80 Xildhibaan waxaana uu Kooramka ku furmi karaa ugu yaraan 139 Xildhibaan.

Wasiir C/Raxmaan Xoosh Jibriil ayaa isna ka yimid maanta Magaalada Nairobi,waxaana uu qorshihiisu ahaa in uu ka hadlo kulanka isaga ka dhanka ah ee maanta ka dhici lahaa  Golaha shacabka kaas oo Kooram la’aan u baaqday.