Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Shacabka u cadeeyay Arin Maalmahan aad loo hadal haayay?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa beeniyay warar soo baxay oo sheegayay in mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug oo isaga gacanta ku hayo.

Casir ayaa sheegay in isaga uu yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug islamarkaana uusan jirin mooshin loo soo gudbiyay oo ku qotoma madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Carrabeey.

“Mooshinkaasi dadka ayaan aad uga maqleynaa, maadaama Gudoonka Baarlamaanka aan nahay, Mooshin laga wado Madaxweyne ku xigeenka oo na soo gaaray ama anaga xog ahaan aan u ognahay oo aan ka warhayno ma jirto.” Ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay qaar ka tirsan Warbaahinta qoraalka ayaa baahinaysay wararka la xiriira Mooshinka laga wado Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug, inkastoo arintaasi Gudoonka uu beeniyay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay ka guddoon ahaan inay dhex dhexaad ka yihiin arrimaha Siyaasadda Galmudug oo dhana aysan taageersanayn.

Xildhibaanada Galmudug qaarkood ayaa ka soo horjeeda Madaxweyne Ku xigeenka Maamulkaasi, inkastoo weli aysan meel fagaare ah la soo istaagin mooshin ay ka wadaan.