Goorma Ayaa La Magacaabi Doonaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Soomaaliland?

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Soomaaliland C/raxmaan Cirro oo dhawaan iska casilay xilkaas ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga rasmiga ah ee la magacaabi doono guddoomiyaha xiga ee golaha wakiillada Soomaaliland.

Cirro ayaa sheegay in todobaadka soo aaddan maalinta Axadda ah lagu dhawaaqi doono guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Soomaaliland.

Wuxuu sidoo kale odayaasha iyo xildhibaannada ugu baaqay in hawshooda ay sii wataan, isagoona xusuusiyay in hawl badan ay ag taallo ilaa laga gaarayo bisha soo aaddan oo dalka oo idil doorasho qaran ay ka dhaceyso.

Guddoomiye Cirro ayaa xilka iska casilay xalay, sidoo kale saakay ayuu golaha wakiillada hortooda ku caddeeyay in uu xilkaas iska casilay oo uu banaanka ka joogo.