DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliland Oo Hadda Golaha Wakiillada Hortooda Isku Casilay Iyo Xaaladda Oo Meel Xun Sii Maraysa

Xaaladda baarlamaanka Soomaaliland ayaa ah mid aad u adag, kaddib markii uu ku dhawaaqay in uu iscasilay guddoomiyihii Baarlamaanka maamulkaas mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Gudduumiyaha ayaa sheegay in aad uga xun yahay falgelinta iyo siyaasadda fara fareyska ku dhisan ee Siilaanyo iyo xertiisa, wuxuuna sheegay saakay xilli uu ku dhawaaqayay iscasiltaankiisa in uu la shaqeyn doono bilka iyo barka u hartay xukuumadda Siilaanyo.

Cirro ayaa sheegay in dhawaan la magacaabi doono guddoomiye cusub oo golaha wakiillada ay yeeshaan, islamarkaana hawsha golahaas aysan hakad geli doonin ilaa wakhtiga doorashada laga gaarayo.