Afar Waxyaabood Oo Kooxda Dekadda Ka Caawiyay In Ay Ku Guuleeystaan Horyaalka Soomaaliya!

Ololaha 2016-17 horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya waxaa loo boqray kooxda Dekedda oo ku garaacday loolankiisa naadiga Banaadir Sports Club, oo iyadana han badan ka qabtay in ay ku guuleeystaan koobkan.

Arbacadii ayaa laguddoonsiiyay galabteeda, kooxdaas koobka quruxda badan ee horyaalka, maadaama ay soo jilba dhigteen kulamadii ugu dambeeyay horyaalkaas.

Haddaba culimada rog rogta siyaasadda kubbadda cagta Soomaaliya ayaa qaba in afar waxyaabood ay ka caawisay naadigan in ay ku guuleeystaan muddo kaddib tartanka horyaalka heerka koobaad ee dalkeena, sidaa darteeda waxaan diirradda saari doonaa waxyaabaha ama cunsurrada go’aamiyay horyaalka Soomaaliya.

DHIIRO GELIN DHANKA MAAMULKA!

Waxa aan wada ognahay in kooxda Dekadda ay tahay mid kamid ah kooxaha dhif iyo naadirka ah ee lacago uu xiddig kasta ku qanacsan yahay ka qaata kooxahooda, sidaa darteeda dhiiro gelin iyo dharbaaxsho gadaal ku dhufasho ayeey ku noqotay xiddigaha kooxdaas, taas oo ku dhiiro gelisay in ay horyaalka ku guuleeystaan.

SOO NOQOSHADII QUBAAYE!

Hubanti in xiddiggan uu kamid yahay keydadka dhaxal galka ah ee kooxda ay leedahay, sidaa darteeda waxa aan dhihi karnaa xiddigan oo ciyaaraya Dekadda uma baahna cabsi iyo in loo baqo, taas na wuxuu ku muteystay in laga dhigo mid kamid ah xiddigaha ugu saameeynta badan kooxdiisa iyo qaranka Soomaaliya.

DAAFACA WANAAGSAN! 

Goolasha laga dhaliyay aad ayeey u yartahay Dekadda, tan iyo bilawgii horyaalka, taasna waxa ay ka caawisay in ay ku guuleeystaan horyaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ay ahayd guul kale oo kooxda ka caawisay hanashada koobka horyaalka Soomaaliya.

TAAM AHAANSHAHA CATOOSH!

Mar walba oo aad isku hesho kubbad sameynta Qubaaye lagu daray taam ahaanshaha ama dhaawac la’aanta Cabdicasiis Catoosh waa mar kasta oo ay guushu sanka kuu saaran tahay, haddaba qodobadaas ayaa ka caawiyay ayaan dhihi karnaa kooxda Dekadda in ay ku guuleeysato horyaalka Soomaaliya.

Waxaa Qoray Cabdifataax Naani