Yuusuf Garaad Oo Gaaray New Delhi Iyo India Oo Soomaaliya Ku Wareejineysa Maxaabbiis

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka dagay New Delhi ee caasimadda India, waxaana socdaalkiisa uu yahay mid ujeeddooyin badan leh.

Qorshaha ugu muhiimsan ee safarka wasiirka waa soo deynta maxaabbiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalkaas.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen qaar kamid ah wafdiga la socday wasiirka in uu jiro qorshayaal kale oo India iyo Soomaaliya xiriirkooda lagu xoojinayo.

Si kastaba ha ahaatee inkabadan 118 Maxaabbiis oo burcad badeednimo loo heysto ayaa la filayaa in Soomaaliya lagu soo wareejiyo, sida uu horey u xaqiijiyay ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi MAxamed Guuleed.