Waa Maxay Qorshaha Xiga Ee Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur? (Sir Culus Iyo War Aan La Qaadan Karin)

Bishii June ee sannadkan Mareykan ka ayaa ka saaray liiska argigixisada afhayeenkii hore ee Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roboow Abuu Mansuur, kaas oo sheegay in uu kabaxay Alshabaab.

Tan iyo xilligaas, wax jawaab ah ama hadal ah lagama helin, wuxuuna ku sugan yahay qaybo kamid ah gobolka Baay ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya.

Sheekh Mansuur ayaa hadda qorsheynaya in uu ugu yaraan helo magan galyo waddamada dibadda ah, sida dawladda Qatar oo la heelan in ay magan geliso amiirkaas wayn ee Alshabaab xilli ay ku xisaabtami jirtay.

Sidoo kale qorshaha xiga ee Abuu Mansuur waa in uu ka digtoonaadaa dhagarta iyo shirqoolada ay Shabaab umaleegayaan, maadaama uu ka baxay ururkaas.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayaa la kala caddeyn doonaa in Mansuur uu weli kusugan yahay gudaha Soomaaliya iyo in dibadda uu u baxay.