Soomaalida Masiixiyiinta Ah Oo Kusii Qul-Qulaya Hargeysa (Warbixin Cajiib Ah)

Tobaneeyo kamid ah Soomaalida qaadatay diinta Kirishtaanka ayaa kasoo dagay magaalada Hargeysa ee maamulka SOomaaliland.

Imaanshiyaha ayaa yimid kaddib markii todobaadkan laga dhisay magaaladaas Macbad ama kaniisad ay dadka Masiixiga ahi ku cibaadeystaan.

Shaaniya iyo Shiine Gaaboow oo ah qoys isqaba, sidoo kalena kamid ah wadaaddada Masiixiyiinta ah ee Soomaalida ayaa hoggaaminaya safarkan ay Kirishtaanka Soomaalidu ku tageen Hargeysa.

Lama hubo In Maamulka Soomaaliland uu hor istaagi doono Soomaalidaas Masiixiyiinta ah kuwaas oo Hargeysa u yimid in ay ku cibaadeystaan.

“Waa guul in aan dhul Soomaali leedahay ka helno meel aan ku cibaadeysano,” ayuu yiri Axmed oo 8-sano kabadan masiixi ah.