RASMI:- Manchester United Oo Lasoo Saxiixatay Kubbad Burburiyihii Chelsea Nemanjo Matic

Kooxda Manchester United ayaa xaqiijisay in ay lasoo wareegtay kubbad sameeyihii kooxda Chelsea iyo qaranka Serbia Nemanjo Matic, kaas oo lacag rikoor ah kaga yimid dhanka Chelsea.

Old Trafford kooxda ka dhisan ayaa bilihii lasoo dhaafay aad ugu baadi goobeysay xiddigan heerka caalami ee Blues ku hoggaamiyay in ay ku guuleeystaan horyaalka English Premier League.

Website ka rasmiga ah ee Manchester United ayaa lagu qoray in Matic uu yahay xiddig sare oo ka tirsan kooxda uu hoggaamiyo Macalin Special One.

Jose Mourinho ayaa horay Chelsea ugu soo iibiyay Matic, maalmihiisii Stamford Bridge, taas oo uu ku muteystay in uu noqdo mid kamid ah udub dhaxaadka guulaha kooxda Chelsea.

Saxiixa Matic waxa uu Manchester United uga dhigan yahay in ay lasoo wareegtay xiddigoodii saddaax ee muhiim ah inta uu suuqa kala iibsiga ciyaartooyda uu furan yahay.

Victor Lindlof oo Benfica kayimid, Romalu Lukaku oo Everton ay adduun lacageed Rikoor ah kaga soo iibsadeen iyo Matic oo hadda kooxda kusoo biiray.

Nambarka 31-aad ayaa loo xiray, waxaana uu noqon doonaa mid kamid ah xiddigaha xagaaga lala soo saxiixday kuwooda ugu muhiiimsan sida ay qorayaan warbaahinta UK.