Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Magacaabay Degmooyinkii ugu badnaa oo Kamid Noqonaya Gobolka Hiiraan 1st August 2017 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Viber Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Hiiraan. Saddexda degmo e ela magacaabay ayaa kala Halgan, Ceel-Cali iyo Far-Libaax iyadoo degmooyinka gobolka Hiiraan haatan gaaray siddeed degmo. Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu hore uga koobnaa shan degmo oo kala ahaa Beledweyne, Buula-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmada Matabaan.