Fanaanka Caanka Ah Ee Ilkacase Oo Si Toos Ah U Caayay Shakhsiyadda Madaxwayne Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaare Kheyrre

Fanaanka caanka ah ee Ilkace Qays ayaa ka duulay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoona ka dagay magaalada Nairobi Ee dalka Kenya.

Ilkacase ayaa ka baqay in la xiro, maadaama uu guuxiisa ka dheereeyay sida dad badan ay fahansan yihiin, taas ayaa soo dadajisay in uu dalka iskaga cararo.

Tan iyo markii uu ka dagay Nairobi oo ay kasoo wareegato muddo 15 saacadood, wuxuu bilaabay weerar toos ah oo uu madaxda ku aflagaadeeynayo, maadaama uu ka tagay magaalada Muqdisho.

Hawsha waa ay bilaabatay, Armaajo iyo Afturumbo, wakhtigiina wuu dhammaaday, waxbadan baan idin dignay oo aan idin dhahnay joojiya qabyaalladda, waxaa ballan ah in madaxtooyada la idinku soo galo,” ayuu bartiisa Facebook-ga kusoo qoray, xilli uu soo raacsiiyay muuqaalka dibad baxayaashii ka gadoodsanaa dilkii lagu xukumay askarigii dilay wasiir Siraaji.