Faah-faahin:-Qaraxa Ismiidaaminta ah ee Ka Dhacay Kismaayo

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxay ayaa lagu qarxiyay Maqaaxi lagu magacaabo Shaax-macaan oo ku dhegan xaruntii hore ee ceymiska magaalada Kismaayo ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubba-land ayaa xaqiijiyay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in lagu qarxiyay maqaayadda, qaraxana uu geystay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wariyayaasha ku sugan magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land ayaa soo sheegaya in qaraxa uu geystay dhimasho iyo dhaawac islamarkaana dadka waxyeeladda ay soo gaartay ay u badan yihiin shacabkii ku shaaheynayay maqaayadda Shaax-macaan.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Laamaha Caafimaadka maamulka jubba-land waxaana goobta laga qaaday dadki ku dhaawacmay qaraxa waxaana la geeyay isbitaalka Magaalada Kismaayo si halkaas xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Dhanka kale waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamada Amaanka maamulka Jubba-land waxaana gabi-ahaanba la xirey wadooyinka soo galayay goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana jirey rarsaas ay Ciidamada Jubba-land ay ridayeen.

Xaaladda Magaalada Kismaayo  ee Gobolka Jubada Hoose ayaa caawa qasan waxaana Magaalada aad u sameeyay qaraxa gaariga loo adeegsaday ee lagu qarxiyay maqaayadda,maadaama qaraxyadda noocaan oo kala ah aysan maqlin Shacabka magaaladaas ku nool.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubba-land oo loogu hadlaayo qasaaaraha rasmiga uu geystay qaraxaan.

Cid sheegatay qaraxaan gil-gilay caawa Magaalada kismaayo ma jirto.