Dibad Baxyo Looga Soo Horjeedo Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Dhacay Galmudug

Ardayda, macalimiinta, Maamulada, iskuullaad iyo waaliddiinta magaalada Caabudwaaq ee gobolka Gedo ayaa dhigay banaan bax ay kaga soo horjeedaan wasaarradda arrimaha waxbarashada ee Soomaaliya.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ay kamid yihiin “Musuq dooni Mayno, CAddaalad darro dooni mayno” oo ay kala jeedeen in ay wasaaradda waxbarashada federaalka aysan sixin imtixaanaadkii laga qaaday ardayda magaaladaas.

Sidoo kale eedeeymaha dadka deegaanka ay werinayaan waxaa kamid ah in dawladda aysan wax qiimo ah siin waxbarashada deegaankaas, ayna dibad baxa wadi doonaan ilaa arrintaas uu kasoo farageliyo wasiirka waxbarashada DFS.

Horaan ayeey ahayd markii wasaarradda waxbarashada Galmudug ay ku eedeeysay wasaaradda waxbarashada ee heer federaal in ay musuq maasuqday, waxbarashada iyo ay waddo gacan bidixeysi qaaban oo loo jeedo.

Dhawaan ayaa jawaab laga filayaa wasaaradda waxbarashada, maadaama farriintaas ay iyaga kusocotay