Ciidan ka cabanaya mushaar la’aan oo xiray Ganacsigii Iyo Isgaarsiintii Buulo Barte

Magaalada Buulo Barte ee Gobolka Hiiraan waxaa saaka la xiray Suuqyada Ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa dadka kaddib markii Ciidamo mushaar la’aan ka cabanaya ay magaalada galeen.

Ciidamada oo Sanad iyo dhowr bilood uu tababar uga socday Saldhig ku yaalla Buulo Barte ayaa waxaa ay saaka sameeyeen banaanbax ay kaga cabanayaan xuquuq la’aan waxaana ay ku faafeen Magaalada iyaga ok dhaq dhaqaaqii hakiyay.

Ciidamada ayaa damiyay Isgaarsiintii Buulo Barte waxaana ay sidoo kale albaabada isugu dhufteen Ganacsigii magaalada,intaas kaddib ayaa waxaa ku baxay Odayaasha Degmada Buulo Barte.

Duqa Degmada Buulo Barte Cali Cumar Rooble ayaa u sheegay Warbaahinta in Odayaasha iyo ganacsatada magaalada ay xoogaa lacago ah isu dareen Ciidamada kaddibna sidaas ku laabteen Xaruntii ay ka soo baxeen.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ee jooga Buulo Barte ay tababareen Ciidamadan islamarkaana ay dhameysteen Tababarka.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Ciidamadaas tababarka dhameystay aan ilaa hadda la siin Dharkii Ciidanka Taliyihii heystayna uu ku maqan yahay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.