Yaa Iska Lahaa Gaarigii Arooska Ahaa Ee Miinada Lagu Xiray? (Xog Dhammeystiran)

Xilli arooska ama guurka waa mid kamid ah wakhtiyada ugu faraxadda badan qoysaska iyo lammaanayaasha isdoortay, ee guurkooda xilligaas loo fadhiyo; Shalay Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa ka dhacay naxdin iyo nasiib iswata leh, taas oo ahayd in qarax lagu xiray gaari qaadi lahaa aroos.

Gaariga ayaa qarxay kahor inta aan lagu soo doonin arooska iyo aroosadda, waxaana keliya ku waxyeeloobay darawalkii gaarigaas, watay, oo magaciisa lagu soo koobay Cabdullahi Cunguf.

Warar hoose oo ay Shaaciye heleyso waxa ay sheegayaan in gaariga arooska lagu kaxeyn lahaa ay lahayd mid kaid ah xildhibaanada qaranka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, keliyana halkaas uu u yimid in uu qaado arooskaas, oo qof qaraabo la ah xildhibaannaddu uu qabay.

Si kastaba ha ahaate alle SWT ayaa ka badbaadiyay in dhammaan arooskii uu isku baddalo murug, inkastoo si hor dhac ah murug ay u noqotay iyo filan waa’, maadaama darawalkiina uu dhaawacmay, fal lalayaabana uu goobta ka dhacay.