Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Sabab Layaab Leh Qarka Ugu Saaran In Albaabada La Iskugu Dhufto

Tan iyo markii dib loo furay kalfadhiga Aqalka Sare 12-kii Bishii dhawaan dhammaatay ee August, weli ma qabsoomin hal kulan oo kamid ah kulamadii maalin laha  ahaa ee lagu madlanaa in maalin walba ay dhacaan.

Sababta ugu wayn waa in aysan jirin wax ajanda ah oo horyaala odayaasha Aqalka Sare, taasna ay keentay in sanatorada ay iska imaadaan, kaddibna iska baxaan.

Kalfadhigii koobaad ee aqalka sare, waxaa uu u dhammaaday si heer sare ah, waxaana ay ku dhammeystireen, xeer hoosaadyada golahaas, sidoo kale shurruucda guud ee u yaalay ayeey si wanaagsan u dhameystireen.

Hasa yeeshee tan iyo markii la isku soo noqday, guriga aqalka sare ayaa noqday meel kibili galeen ah, maadaama aysan jirin xildhibaano badan oo soo xaadireysa, iyo ajande rasmi ah oo laga doodayo maalinkaas.

Si kasta ba ha ahaate haddii sheeko ay sidan kusii socoto, waxaa soo dag dagi doona isku dhaca iyo khilaaf ugub ah oo dhex mari kara guddoonka labada aqal, maadaama midna uu shaqo hayo, halka kan kalena uu wax shaqo ah heyn.