Akhriso Liiska Dadkii Caanka Ahaa Ee Uu Shaqada Ka Ceyriyay Donald Trump 190-Maalin Ee Uu Aqalka Cad Maamulayo

Inkastoo uu soo dhigay Qoraal aan xaaladda lagu jiro ka tarjumeyn bartiisa Twitter-ka madaxwayne Trump, haddana xaalka Mareykan ka iyo aqalka cad-ba waa mid allaw sahal ah.

Madixii xiriirka iyo warfaafinta aqalka cad Anthony Scaramucci ayaa xilka laga qaaday, Donald Tramp ayaa Twitter-ka soo dhigay qoraal sidan ahaa

 

Haddana maalin ba maalinta ka dambeysa aqalka Cad waxbaa iska baddalaya, oo shakhsiyaad baa is casilaya halka kuwa kalana laga ceyrinayo shaqada, 190 maalin iyo wax kayar oo uu madaxwayne yahay Trump, inkabadan 10-shakhsi oo madaxda sare ee aqalka cad iyo hey’adaha kale ee dawliga MAreykan ka ayaa shaqada iskaga tagay.

Waxaana magac ahaan u dhufan doonaa shakhsiyaadkii ay salafsatay seefta dhiigga uu ka daadanayo ee Donald Trump, taas oo maalin ba maalinta kadambeysa qof cusub salaf saneysa.

  1. ANTHONY SCARAMUCCI

Waa qofkii ugu dambeyay ee shaqada laga ceyriya, waxaana lagu eedeeyay wax isdaba marin iyo arrimo shakhsi ah oo ay Trump isku qabteen.

2. REINCE PRIEBUS

Mr Priebus ayaa is casilay, lix bilood wax kayar oo uu aqalka cad kashaqeynayay, waxaana lagu baddalay ninka dhawaan la ceyriyay ee Scaramucci., waxaana uu marka uu iscasilayo Donald uu aqalka cad joogaa wax kayar 189 Maalin.

3. SEAN SPICER

Sean Spicer ayaa is casilay, kaddib markii uu kasoo horjeestay go’aankii uu Donald uu ku magacaabay Scaramucci, waxaana xilligaas uu xilka hayay Trump inkayar 183-Maalin.

4. MICHAEL DUBKE

Waa qofkii ugu horreeyay oo agaasime warfaafin oo aqalka sare ka tirsan oo is casila, waxaana ay ahayd bishii May ee sannadkan xilli uu Trump xilka hayay inkayar 86 Maalin.

5. WALTER SHAUB

Agaasimihii hore ee hey’adda asluubta Walter Shaub ayaa xilka ka tagay 181 maalin, markii ay kasoo wareegay xukunka Trump.

6. JAMES COMEY

Trump ayaa ceyriyay agaasimahii FBI da Mareykan ka, kaddib markii ay si shakhsi ah iskugu dhaceen, waxaana ay xilligaas ahayd 110 Maalin kaddib doorashadiisa.

7. MICHAEL FLYNN

Micheal ayeey seeftu qaadday keliya 23-maalin markii uu Trump xafiiska joogay, waxa aynna iskugu dhaceen arrimo hoose oo labada shakhsi u dhaxeeyay.

8. SALLY YATES

Toban maalin ayeey ku qaadatay in xilka laga qaado Sally Yates oo ah khabiir sare oo dhanka aqalka sare ah.

9. PREET BHARARA

Waa gabadhii ugu horreysay ee Seefta Trump ay ku dhacdo, gaar ahaan todobaadkii ugu horreeyay ee xukunkiisa.

Qofka ugu dambeya ee ay sheekadan taabaneyso waa:-

10. KATE WALSH

Oo ahaa sarkaal sare oo kamid ah hey’adda saadka Mareykan ka, waxaana la ceyriyay todobaadkii koobaad ee talis Donald Trump.

N.B:- Qormadan waxaa isku soo aruuriyay Xuseen Madoobe Oo ah Agaasimaha Webiste-ka Shaaciye.com, dhammaan xuquuqda qoraalkan waxaa iskaleh Qoraaga iyo Website-ka Shaaciye