Abaar Iyo Biyo La’aan Baahsan Oo Laga Soo Sheegayo 20-Magaalo Oo Spain Iyo Taliyaaniga Ka Tirsan

Koonfurta Yurub, waxa ay la daalaa dhacayaan mid kamid ah xagaayadii ugu xumaa 60-sano kaddib,maadaama abaar iyo biyo la’aan ay ku habsatay qaybo kamid ah Italy iyo Spain.

Ku dhawaad 20-magaalo oo bartamaha Taliyaaniga ku yaalla ayaa bilaabay in ay biyaha beekhaamiyaan, balse Roma ayaa sidaas oo kale shaqo adag laga hayaa sidii loo beekhaamin lahaa biyaha.

Xilli hore oo todobaadkan ah, magaalada diimeedka Vartican, ayaa laga jaray tubbooyinkii dhuumaha waa wayn biyaha ku waday ee mari jiray magaalada, waxaana ay qayb ka tahay ololaha lagu doonayo in biyaha lagu dhawro, maadaama laga baqayo in ay ku dhuftaan abaar iyo biyo la’aan baaxaddeeda aan horay loo arkin.

Sida ay kusoo warrameyso, Hoda Abdel HAmid oo katirsan Aljazeera qaybteeda English, Harada caanka ah ee Bracciano iyada laftigeeda waa ay ciir ciireysaa oo malahan sal fadhiya oo ay ku istaagto.