Yaa Ka Dambeeyay Banaan Bixii Ra’iisul Wasaare Kheyrre Looga Soo Horjeeday? (Sir Qof Aadan Filayn)

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay dibad bax ay sameeyeen dad kasoo horjeeday xukunkii maxkamadda ciidanka qalabka sida ay ku ridday askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay yaa soo abaabulay banaan baxa noocaas ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa horaan ba u bilaabay olole looga soo horjeedo xukunkii ay maskamadda qalabka sida ay ku ridday dable xoogga Cayddiid kaas oo dil toogasho ah ku dilay wasiirkii hawlaha guud iyo dib u dhiska mudane Cabaas Siraaji.

Damul Jadiidnimo lagu daray reernimo ayuu Mahad Salaad ugu hiilinayaa askarigaas oo heyb ahaan ay isleeyihiin, sida dad badan oo naqdiya siyaasaddiisa ay sheegaan.

Sidoo kale ilo wareedyo ayaa sheegaya in Hanti dhawraha iyo tiro kale oo siyaasiyiin ah islamarkana kasoo jeeda Beesha Cayr ay gadaal ka riixayaan dumarkii iyo carruurtii maanta ku banaan baxday magaalada Muqdisho.