Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Oo Ugu Baaqay Xildhibaanada Laba Aqal Ee Kasoo Jeeda Bariga Galgaduud In Ay U Gurmadaan Dadka Ku Dhibaateysan Deegaannadaas

Asalkaba xildhibaanimadu waa u xog ogaalnimada deegaanka lagaa soo doortay, xildhibaan C/qaadir Gaafoow waa mid kamid ah xildhibaanada dhif iyo naadirka ah in ay soo hadal qaadaan hormarka deeganadooda, maadaama inta badan xildhibaanada qaranka ay hawlo kale ku mashquulaan.

Mar uu la hadlayay saxaafadda ayuu ugu baaqay Xildhibaanka in mas’uuliyiinta ay ugu horreeyaan xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda Bariga Galgaduud ay u gurmadaan, dadka ay matalaan ee ku sugan gobolkaas, islamarkaana loo muujiya midnimo inta ay kujiraan xaaladda Banii Aadamnimo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay cid walba oo awoodda in ay caawiso dadkaas in ay la garab istaagaan, maantana ay tahay markii ugu mudneyd ee la caawin lahaa dadka deegaankaas kasoo jeeda.

Si lamid ah xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday sidii Shabaab looga xurreyn lahaa degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud,  halkaas oo ay ka jirto xaalad banii Aadamnimo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ku hadaaqay in la adkeeyo midnimada iyo qarranimada dadka walaallaha ah ee wada daga Bariga Gobolka Galgaduud, isagoona ku booriyay siyaasiyiinta, odayaasha, aqoonyahannada iyo indheer garadka in ay wada fadhiistaan aayahoodana kawada tashadaan, si ay u sahlanaato in deegaankaas uu kamid noqdo deegaannada ay ka dhaceyso doorashooyinka Qof iyo codka ee lagu madalsan yahay marka la gaaro sannadkan 2021.

Cabduqaadir Gaafoow ayaa kamid ah dhallinyarada Aqalka Hoose ee Soomaaliya, sidoo kale waa siyaasi dhallinyaro ah oo aragti fog leh, marka lala barbardhigo siyaasiyiinta kursiga kaga horreysay.