Wasiir Xoosh oo u Gefay Xildhibaanada iyo Xiisad ka dhalatay “

Waxaan aad uga xumahay in Wasiirka Dastuurka Soomaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil uu Xildhibaannada Baarlamaanka uu yiraahdo (Tuugada Naga qabta), isagoo Comments ahaan ugu soo qoraya baraha bulshada ku xiriirisa ee Facebook

Isla markiiba waxaan weydiiyay su’aalo u baahan in uu jawaab iga siiyo, maadama aan ahay muwaadin xaq uleh in uu uga jawaabo ereyada uu u isticmaalay Xildhibaannada Qaranka, oo ah hay’addii ugu sareysay sharci dejinta.

Waxa uu jawaab iiga dhigay in uu Block i saaro kamana xumi Block-ga uu i saaray, waxaanse aad uga xumahay in isagoo xil mas’uul haaya, weliba dastuurkii dalka lagu hagi lahaa uu soo qoro hadaladaas gafka ah, ee meel ka dhaca ku ah anshaxa iyo qaanuunka dowliga ah.

Arirnta Wasiir Xoosh waxay cadayn u tahay in uu u bareeray meel ka dhaca Xildhibaanada, inay liddi ku tahay xasaanadda ay xaqa u leeyihiin Mudane-yaasha Golaha Shacabka.

Dalku uma baahna shakhsiyaad dhaqamadaa leh, aqoonna aan u lahayn shuruucda dalka iyo haykalka dowlaadnimo.

Waxaan Xildhibaanada iyo madaxda dalkaba ku boorinayaa in ay soo xulaan shakhsiyaad samata bixin kara shacabka Soomaaliyeed, gaarsiin karana horumarka ay u baahan yihiin.

Mahadsanidiin Qore
Hassan Abdikadir Mudey.