Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Istanbul Ku Shiraya Iyo Soomaaliya Oo Ajandaha Koobaad Ah Sannadkan

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maalinta Talaadada ah ku ballansan shir wayn ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Waa shir sannadle ah oo waddamada Muslimka ah ay ka kulmaan sannad kasta mid kamid ah caasimadaha Islaamka, waxaana looga hadlaa shirkaas arrimaha ugu xasaasisan ee caalamka Muslimka ah ka jira.

Ajanndaha sannadkan waa Qudus iyo xaalladda Soomaaliya, kuwaas oo meel xun maraya, Qudus waxaa ka jira qalalaaso diimeed iyo isqoonsi qawmiyadeed oo ka dhaxeeya Yahuudda iyo Muslimka Falastiiniyiinta.

Halka SOomaaliya ay ka jirto abaar dhan kasta ah oo shacabka oo idil ay la ildarran yihiin, si kastaba ha ahaate mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa kasoo muuqan doona sannadkan shirka Iskaashiga Islaamka ee Istanbul ka dhacaya Maalinta Berrito ah.