Shirbka Maanta iyo SHAACIYE waa Siyaasi iyo Shacabka oo madaxa isla galay

Duni siyaasi dooriyaan

Kusoo degnoy xumu duween,

Nin dilan ninki sii dilaa
Daawey la leeyehee damoo,

Dembina kuma doorinnoo
Waa daahir seey daliishadaan,

Damqashana warkeeda daa
Duudkeey middi ku dooxayaan,

Daacuf amxaara doojintii
Dewirsi kama daalayaan,

Daanaqya waaye soo degeen
Daahiilna haayo daaw gashoow,

Gugi da’eey dulbaaxsadeen
Deyrtina wow dan leeyihiin,

Danyarta uma soo debcaan
Dumarna hadalkiiba daay,

Dugsi qur’aan ma daafacaan
Dahar dhisneedna waa dunsheen,

Dowli siyaasi daawga ceel
Ku deysayaan u doobbinnaa,

Danteenna umma doorannee
Dugaal nimaan u daafacnaa,

Diintana ma duggaashayoo
Daa’im warkii ma doonayaan,

Daacadna maahan saan dayoo
Duhur yimaadba ways dilaan,

Dabbaalna hadal deeqi maa
Illeyn uma diyaasanee,

Doqonna ninka duudsiyeey
Waa doore daaya leeyihiin,

Dafo waxay la duushayeey
Diinaa jiraa la duufayaan,

May duuma soddon daw gudbeen
Dersi ma qaadan saan dayaa,

Dalkina cadawaa degoo
Dumaalideey u soo duseen,

Wixi duqoowya duub lahaa
Dalkoodi ma ka deyriyeen?

Da’yarti deb shidkaan lahaay
Denmaagya iglan may degeen?

Waa duni kala daadatee
Deeqeyni ma cidleey dudeen?

“Afmeer”

Dood waaye aan u daah furee
Qofki damqaa ha qaato daaf!”

Xasan Kaamil Cuute Shirib-maal,

“Dood furan: iyo dib usoo nooleyn!’