Sheekh Cali Dheere Ma Nool Yahay Mise Wuu Dhintay; War Kala Bax Ah

Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo afhayeen u ah Alshabaab ayaa markii ugu horreysay Shir jaraa’id qabtay tan iyo markii la baahiyay warar sheegayay in uu ku geeriyooday duqeyn Mareykan ku ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka Alshabaab ayaa ka hadlay dagaalkii ay shalay ALshabaab ku qaadeen deegaanka Golwayn ee gobolka Shabeelle Hoose, halkaas oo ciidamo badan AMISOM looga dilay.

Cali Dheere ayaa sheegay in Alshabaab ay guul wayn kasoo hoyeen dagaalkaas, islamarkaana ay jab culus gaarsiiyeen wax uu ku tilmaamay in ay yihiin cadawgii Alle.

Si kastaba ha ahaatee horaantii bishan iyo dhammaadkii bishii horey waxaa la baahiyay in Cali Dheere lagu dilay Duqeyn ay Mareynkan ka ka geysteen Goobaha ay Alshabaab ku xooggan yihiin.